Waad samayn kartaa

fb_img_1464970721717

Waxaa lagu leeyahay ragbaa dayaxa tagay waa bashar kula mid ah mucjisaad mesha ma jiraan

ragbaa tashaday ,waa la horumari karaa balse sidee loo horumari karaa Tusaale fudud aan idin siiyo nin muslim oo waliba soomaali ah ayaa kula kulmay oo engineer
ah wadanka Sweden dagan wuxuu afkiisa iga tilmaamay oo uu leeyahay waxaan soo arkay warshad kasta oo aduunka ku taal oo wax soo saarta waxaanu ku booqday lab-kiisa uu wax ku baadho wuxuu igu yidhi Mustafow gaalo meel ma jiraa cid ka raysa ayay wayday .
Waxaan tilmaamayaa dad doonis leh Ayaan jirin (ambition) waxaad u guntatoee ilaahay aad talo saarato waad gaadhaysaa waxaa la laayahay mujtamicii rabitaanku ku jiri lahaa waxaan uga jeedaa xoogeenii ayaa la ina tusi waayay .
Mark bukhanin waa wariye caan ah oo tartankii doorashada maraykan ka dhacday oo ka socda xisbiga jamhuuriga ayaa wuxuu soo saaray buug uu u magac bixiyay “The Death of the west” oo uu ku tilmaamayo in ninka cadi sii dabargo ayo micnaha magacuna geeridii ninka cad wuxuu buuga dhexdiisa kaga hadlayaa in haweenkoodu dhalmadii daayeen oo mawduuc ahaana ula baxay xayawaanka sii dabargo,aya .
Dunidan cid aan mushkiladi haysan ma jiro caalamul islaam isagaaba rag haysta oo tafiirtiisii sii badanayso oo ilaa 2 bilyan sii cagagaynayso ayaa hadana waxaa quudiya inyar oo aan caqiido hagaagsan haysan qaarkood bilaa diinba ay yihiin waxay wax beertaan 3 bilood inana 12 bilood wax beeran karnaa laakiin hamiga aynu kala sidno ayaa kala gadisan.

 Waad samayn kartaa waa mawduuc ka mida hadaladii Sh mustafe xaaji ismaaciil oo wixii qoraalkan iga khuseeyay aan soo xigtay

W/Qoray:Ahmedyasin Sh cumar Ahmed furre