Hooyo soomaaliyeed oo cunug ay dhashay kala carartay Norway si aysan dowladdu uga qaadan oo marki ay keligeed soo laabatay xabsiga loo taxaabay

Maxakamad ku taal magaalada Bergen oo ah caasimadda labaad ee Norway ayaa waxaa ay maanta xukun xabsi afar isbuuc ah ku ridday hooyo la sheegay in ay soomaali tahay taas oo kala baxsatay wiil ay dhashay dalka si aysan dowladda uga qaadan

11081215_1033937436621037_912113969196599474_n

Hooyadan oo jirta daaadda 40-ka ayaa waxaa ay dalka si qarsoodi ah uga saartay wiil 10-jir ah oo at dhashay kaas oo soo faragelisay hayadda bad-baadisa carruurta Norway ee loo yaqaan “barnevernet”, kuna wargelisay hooyada in ay kala wareegayaan daryeelka cunugeeda.

Marki ay arrintaasi ka warheshay hooydan oo keli ku aheyd korinta wiilkan yar ayaa waxa ay si qarsoodi ah uga saartay Norway, iyadoona ka duulisay dalka Swedan una geysay dad ay ehel yihiin.

Lama sheegin halka ay geysay iyo cidda ay u geysay, balse waxa la sheegay in ay keligeed kusoo laabatay dalka.

Waxaa lagu haystaa in ay dalka ka saartay “ilmo aan wax garan” islamarkaana aan goaan laheyn xilli hayadda daryeelka caruurta ee Barnevernet kula dhagtay cunugga.

Sharci sano hore soo baxay ayaa dhigaya in aan dalka laga saari karin ilmo haddii ay dowladdu kula dhagto.

Waddanka Norway ayaa ka mid ah waddamada weerarka xooggan ku haya caruurta soomaaliyeed.