Dowlada oo qorshaynayso inay basaboorada ka qataan dadka ay uga shakiyaan inay ka soo dagaalamaan wadamada shisheeya

Bilde_755_lrg

Gudiyada garsoorka ee barlamaanka  Norway ayaa isniintii soo jeediyay in basaboorada laga qaado dadka looga shakiyo inay wadamo dibada ah u dagaal tagayaan. Gudigaan oo ka kooban xisbiyada Arbeiderpartiet, Høyre, Kristelig Folkeparti, Fremskrittspartiet iyo Senterpartiet ayaa ku heshiiyey inay soo gudbiyaan sharci cusub oo ku saabsan in baasaboorada laga ceshto dadka looga shakiyo inay xiriir kasoo dagaalameen wadan shisheeye.

Ujeedada ay ka leeyahiin soo jeedintaan ayay ku tilmaameen, sidii looga hortagi lahaa in wadamo shisheeye loo safro lagana soo dagaalamo. Waxayna soo jeediyeen in dowladu ay u diido dukumentiyada ay ku safri karaan sida baasaboorada iyo kaararka aqoonsiga qaranka.

Waaxda caddaaladda ayaa soo jeedisay sharcigan cusub sanadkii hore, laakiin hada ayay u muuqada inay cod aqlabiyad leh ay u raadinayaan, si ay u meel mariyaan sharcigan cusub. Peter Frølich oo ka mid ah waaxda cadaalada ayaa sheegay inay u badan tahay inuu meel mari doono sharcigan.

Arintaan ayaa qayb ka ah qorshayaal ay xukuumada rabtay inay muwaadiniinteeda haysta dhalashada Norweyjiyaanka ah aysan u safrin dibada, si ay uga qayb noqdaa dagaalyahanada ISiS ama Daacish. Waxayna sheegeen in qofkii uu booliisky uga shakiyaan ama lagu tuhmo inuu xariir la leeyahay dagaalyahanada ka dagaalada wadamada shisheeya ay ka qaadi doonaan basaboorkiisa.

Xigasho/kilde: Nettavisen.no