Cilmi baaris: 70% dadka norwiijiga ah, waxey aaminsanyihiin in qoxootigu ay wax cusub kusoo kordhinayaan Norway

Cilmi baaris iyo xog-uruurin ay sameyeen hay’adaha Reddbarn iyo Ipsos ayaa lagu ogaadey in 70% ama10-kii qof oo norwayjiyaan ahba, ay 7 kamid ah aaminsanyahiin in dadka ajaanibta ah ee Norway degan ay wax badan ku soo kordhiyaan wadanka. Sidoo kale 85% dadka ka qeybgalay xog uruurintan ayaa sheegay iney si uun gacan uga geysteen caawinta qoxootiga.

Xog ururintaan ayaa lagu sameeyay by-telefoon mudadii u dhaxaysay 13 ilaa 22 December 2016 sida laga soo xigtay Ipsos. Cilmi baaristaan ayaa waxaa ka qayb galay dad kor u dhaafaayo 1002  da’dooduna aytahay 18-sano iyo wax weyn.

Xog aruurintaa ayaa waxay niyad wanaagsan u tahay dadka ajaanibta ah ee aaminsanaa in wadankan laga nacay. Sidoo kale waxay fariin iyo signal u wanaagsan u diraysaa xukuumada Norway ee bilowdey siyaasad adag ee la rabo in lagu yareeyo soo galootiga.

Xigasho/kilde: VG.no