Talosiinta waalidka (In taan caruurta laguu tarbiyadeyn, Tarbiyadee waalid ubadkaaga)

Oslomet.jpg1.jpg

Talosiinta waalidka (In taan caruurta laguu tarbiyadeyn, Tarbiyadee waalid ubadkaaga)
1

Talosiinta waalidka (In taan caruurta laguu tarbiyadeyn, Tarbiyadee waalid ubadkaaga)
2
Mawduucyadan wada shaqeynta wanaagsan ee la
habeynayey, waxa aan culeyska saarayaa sidii
kuwaas loo qaabeyn lahaa si ay u noqdaan kuwo
fudud oo guud ahaa ba noqda kuwo loogu is ticmaali
karo heerar leh da`kala duwan iyo
sidii ay u siin lahaayeen boos si shakhsi ah ku
qaabeysan ama qof xannaaneeye ah iugu muujinayo
jaceyl iyo aqoonsi ilmaha, taas oo u kala duwanaan
karta ha
ahaato mid u dhexaysa shakhsiyaadka iyo
dhaqannada ay heelyihiin.
Mawduucan waxa ay ujeedadeydu tahay inuu noqdo mid looga shidaal qaadan
karo wada hadalka, tusaale ka yeelidda iyo noolaynta sida uu qofku si dabiici ah
ugu muujinayo jeceyl, u gudbinayo fikrad iyo sida uu u ballaadhinayo waayaaragnimada carruurta una habaynayo ama sidii u xuduud ugu yeeli lahaa si
wanaagsan oo aan dhibaato lahayn kana reeban dhamaan wixii ilmaha dhibaato
u keenaya.
Waxa kale oo uu mawduucani xanbaarsan yahay waaya-aragnimo aynu
dhamaanteen ka heli karno. Wax yar oo cusub ayaa midaas ku jira, haseyeeshee
kuwaasi waxay yihiin nuxurka dhabta ah ee daryeelka wanaagsan ee carruurta.
Qodobka wada shaqaynta wanaagsan u la ma jeedo wax la isku amrayo oo ah in
la raaco laguna khasban yahay. Haseyeeshee waa is xusuusin iyo ka shidaal
qaadasho nolosha waaya-aragnimada ah, taas oo qaar badan oo waalidiinta ka
mid ahi ay hore u lahaayeen, haseyeeshee ay gundhig iyo sabab u noqon karto
nolosha aan daganeyn.
Mowduuca dhammaantii halkan kuma soo wada koobayo, waxan soo qaatey oo
kaliya qaybihii ugu muhiimsanaa ee aan is leeyahey way ku habboon yihiin
mawduuca.
Shaxda soo socota waxa aan ku soo bandhigayaa ama is barbardhig aan ku
sameynayaa dhaqankii ay waalidka intiisa badani ku soo koreen iyo dhaqanka
carruurtu ku koreyso ee waddamada qurbaha ee reer galbeedka.

Carruurtu waa inay maqlaan,
ixtiraamaan, daacad u ahaadaan dadka
qaaweyn, waalidiinta, qaraabada iyo
amarka. C
arruurta waxa loo diyaariyaa

Talosiinta waalidka (In taan caruurta laguu tarbiyadeyn, Tarbiyadee waalid ubadkaaga)
3

inay daryeelaan waalidkood marka ay
weynaadaan.
Bulshada hore waxaa ugu mihiimsan
inuu ilmuhu ku koro bulsho wax la
wadaago.
Waalidka iyo qaraabaduna waa ka
masuul carruurta korintooda.
Carruurtuna waxay ka mid yihiin
qaraabada.
Waxaa muhiimadda la saaraa kala
duwanaanshaha wiilasha iyo hablaha,
iyadoo mid walba loo diyaarinayo waxa
ku haboon inay qabtaan marka ay
waynaadaan.
Waalidku wuxuu la joogaa carruurta
90%. Ilmaha yari wuxuu la seexdaa
hooyadii, keligiina lagama tago.
Ilmaha yar waa la sidaa, kor ayaa loo
qaadaa. Hadal badan la lama yeesho.
marka carruurtu weynaadaan iyagaa
waalidka daryeela.
Carruurtu su’aal kasta ma weydiiyaan
waalidiinta. Wada hadalkuna waxaa ku
jiraa ixtiraamka sii ba dhinaca
carruurta.
Caruurtu markii hore waxay qaban
jireen shaqo u gaar ah dinaca guriga.
Waxay caawiyaan waalidiinta, wayna
shaqeeyaan.
Waxbarasha carruurtu waa mid ku
saleysaney manhaj iyo dadka waaweyn
oo waxbara carruurta. Caruurtuna way
ku deydaan dadka waa weyn.

Talosiinta waalidka (In taan caruurta laguu tarbiyadeyn, Tarbiyadee waalid ubadkaaga)
4

Carruurta waxaa xad loogu sameyn
karaa inay tusaan ixtiraam ama
xishood. Waalidkuna amar siiyo
carruurta. Haddii loo baahdo waa la
ogolyahey in caruurta la dilo ama la
karbaasho.
Waalidka iyo qaraabada ayaa masuul
ka ah carruurta. Dowladda iyo
maamulkuna ma farageliyaan.
Carruurta waajibaad iyo masuuliyad
ayaa saaran. Xuquuqda carruurtu waa
mid xadeysan.

Halkan waxaan ku soo qaadanaynaa siddeed tusaale oo aan isleeyahey si fiican
ayey mowduuca u soo koobayaan. Waa habka ugu wanaagsan ee aad ilmaha
kula dhaqmikartid laga bilaabo marka uu dhasho illaa inta uu ka qaan-gaadhayo.
Waana tusaalooyin ku salaysan dhaqankii waalidku ku soo Korey iyo dhaqanka
cusub ee caruurteenu ku korayaan.
1. Tus in aad jeceshahay ilmahaaga.
Waxay muhiin u tahay kalsoonida ilmaha inaad tustid inaad jeceshahay.
Waxaana ay calaamad u tahay oo ay tusaysaa ilmaha yar farxad iyo rayrayn.
Carruurta yaryar ee aan fahmi karin hadalka caadiga ah waxay garan karaan
dareen ahaan calaamad-muujinta jacaylka iyo iska fogeynta, farxadda iyo
murugada. Waxa jira siyaabo badan oo middaas loo samayn karo, habkaas oo
caadi ahaan is beddelaya oo la xidhiidha ilmaha da’diisa:

Talosiinta waalidka (In taan caruurta laguu tarbiyadeyn, Tarbiyadee waalid ubadkaaga)
5
Ilka caddeys iyo wada qosol.
Is-xanbaarasho iyo hab isa siin.
Taabasho.
Dheel iyo dhab qosol wadaag.
Ku hadal cod degan, cod jecayl.
Ku dheh ilmahaaga inaad jeceshahay markii ay caadi tahay.
2. La soco ilmuhu wuxuu xiisaynayo.
Xidhiidhka adiga (waalidka) iyo ilmaha waa muhiim in aad ka fejignaatid waxa
ilmuhu doonayo iyo sida waxqabadkiisu yahay, xaaladdiisa, dareenkiisa iyo
qaabka jidh ka hadalkiisa, iyo inaad adigu isku daydid inaad la qabsatid
ilmahaaga oo aad la socotid wuxuu/waxay ku mashquulsan yihiin. Ilmuhu wuxuu
markaas dareemayaa in aad ka fakaraysid isaga/iyada oo aad ka jawaabaysid
siduu wax u rabo/rabto. Waxaa muhiim u ah koriimada cunugga, in ilaa xad, uu
raaco qaab cayaareedkiisa/da, intii lagu riixi lahaa ciyaaro cid kale wataan. Iska
jir in aadan hore ugu deg-degin oo aadan shukaanta u qaban ilmaha. U sii ilmaha
waqti uu kula yimaado fikradiisa u gaarka ah.

Talosiinta waalidka (In taan caruurta laguu tarbiyadeyn, Tarbiyadee waalid ubadkaaga)
6
• Ka jawaab ilmaha su’aalihiisa.
La soco ilmaha dhaqdhaqaaqyadiisa iyo qorshihiisa ama jeedooyinkiisa ba.
Arag waxa ilmuhu samaynayo, wuxuu doonayo.
• Ka tarjun ilmaha qaabkiisa jidh-ka-hadal.
Malee waxa ilmuhu doonayo iyo wuxu dareemayo.
Ka jawaab waxa ilmuhu doonayo iyo wuxu dareemayo
• Ku habee waxqabadkaaga xaaladda ilmaha.
U muuji ilmaha in aad danayneysid wuxuu samaynayo.
3. Si toos ah ilamaha ula sheekeyso.
Ilmuhu xataa muddo kooban ka dib marka uu dhasho waa suurtogal in la la
bilaabo wada hadal dareen xanbaarsan oo laba qof dhexmara oo indhaha las iska
fiirsho, dhoolla caddeys iyo isdhaafsi astaamo muujinaya farxad. Halkaas oo
daryeeluhu uu uga faalloonayo si wanaagsan waxa ilmuhu sameynayo ama ku
mashquulsan yahay, iyo marka ilmuhu kaga jawaabayo dhawaaqyo farxadeed.
Midkaas waqtiga hore dhacaysa ee dareenka ah “wada hadal” waxay muhiim u
tahay ilmaha sida uu mustaqbalka ugu xidhmayo iyo ilmahaas horumarkiisa ha
ahaato iyo luqad ahaan ba.
• Wada hadal ama xidhiidh dareen leh oo la isu dhow yahay.
• Xidhiidh qofeed oo dhow.
• Is aaminid iyo sir ku qarsi.
• Indho iska fiirin.
• Wada-shaqeyn is la jaanqaad ah oo ku socota hab ku dhisan jidh-ka-hadal.
• Ku dayasho iyo is dhaafsi astaamo jidheed oo wanaagsan.

Wada hadal is dhaafsi laba dhinac ka socda oo fikrado iyo dareen
xanbaarsan.
4.
Faani cunuga waxa uu qabto.

Talosiinta waalidka (In taan caruurta laguu tarbiyadeyn, Tarbiyadee waalid ubadkaaga)
7
Si ilmuhu u yeesho is ku kalsooni caadi ah iyo wax is ka daaficid, waxa muhiim
ah in qof u sheego ilmaha oo dareensiiyo inuu leeyahay qiimihiisa iyo kartidiisa
waxqabad. Taasi waxay dhacaysaa marka uu qof la yimaado dareen fiican iyo ka
markhaati kicid si ilmuhu u yeesho dareen ah in la arko oo weliba la aqoonsado.
Marka uu ilmuhu sameeyp wax wanaagsan waxa muhiim ah in uu jiro qof faaniya
oo u fasira sababta ay taasi u ahayd mid fiican. Markaas ayaa ilmuhu yeelanayaa
kalsooni-qofnimo korsan oo xaqiiqa ah.
Eeg ilmaha.
• Indho is ka fiirin.
• Dhoollo-caddeyn iyo salaan.
• Taabasho wanaagsan oo la mid ah jawaab.
Jawaab af ahaan
• Faani oo aqoonso:
“Tani waa wanaagsan tahay, fiican”
“Waa fiican tahay marka aad sameysid sidaa…”
Adiga oo u sheegaya sababta ay u fiican tahay.
Laylisyo
A. K a sii tusaale sida aad u sameynaysid midaa
5. Ka caawi ilama siduu u uruursan lahaa fejignaantiisa, si idinku aad
u yeelataan dareen aad u dhan tihiin ee waxyaalaha dabeecadda idinku
xeeran.
Ilmuhu wuxu badanaa u baahan yahay in laga caawiyo siduu u urursan lahaa
fejignaantiisa. Tan waad ka caawin kartaa adigoo wacaya iyo adigoo hagaya
midkaas fejignaantiisa ku saabsan ee waxyaabaha dabeecadda ku xeeran.
Waxaad odhan kartaa: “eeg halkaan.” Oo tusi kartaa waxa aad dooneysid in
ilmuhu dareemo. Ama se waxa aad adigu is ku habeyn kartaa sidii aad u sameyn
lahayd waxa ilmuhu ku mashquulsan yahay si idinku aad u yeelataan dareen aad
u dhan tihiin oo ku saabsan waxyaabaha idinku xeeran la’aantiis waa dhib badan
tahay in aad wada hadashaan ama aad wax wada qabsataan idinka oo wada jira.
Badanaa wuxu arkaa qofku in ilmuhu ku mashquulsan yahay shay waalidkuna

Talosiinta waalidka (In taan caruurta laguu tarbiyadeyn, Tarbiyadee waalid ubadkaaga)
8
wax kale. Fejignaan idiin dhexaysa oo aad is weydaarsataan waxay shardi u
tahay xidhiir wanaagsan iyo is gaadhsiin.
• U fiirsashada iyo fejignaanta loo dhan yahay marka la raaco fejignaanta
ilmaha, waxa uu fiirinayo iyo waxa lmuhu uu danaynayo.
• U fiirsashada marka la soo jeedinayo fejignaanta ilmaha iyadoo lagu
jihaynayo shey, waxyaalo khaas ah iyo astaamo si wada jir ah loo
danaynayo.
6. Macne u yeel waxa ilmuhu la kulmayo ee dunida ku xeeran,
adiga oo tilmaamaya waxa idinku aad la kulmeysaan idinka oo
wada jira, iyo adiga oo tusaya dareenka iyo filashada.
Marka aad tilmaantid; magac siin, tustid sida waxyaabuhu u shaqeeyaan is la
markaasna aad adigu tuseysid dareen ku saabsan waxa aad la kulmaysaan
idinkoo wada jira, waxa aad la kulmaysid adigu waxay banaanka ka taagan
yihiin, iyada oo lmuhuna waxaas u xususnaanayo sidii wax muhiim ah oo macne
weyn leh.
Ku ma filna oo keli ah in ilamaha la arko iyo inuu waxqabto, waxaas oo la
xidhiidha waxyaalaha dabecadda ku xeeran. Si cunugu ula kulmo waxa macnaha
sameynaya, wuxuu u baahan yahay qof u turjuma, si uu dunida u la kulmo oo u
fahmo sidii mid macne weyn leh oo la xiiseeyo.
kaasoo mar dhif ah hela caawimaad sidu u urur
Talosiinta waalidka (In taan caruurta laguu tarbiyadeyn, Tarbiyadee waalid ubadkaaga)
9
• Kala hadal ilmaha waxa idinku aad la kulantaan idinka oo wada jira.
• Si magac oo tilmaan waxa idinku aad aragtaan.
• Tus oo bar sida walaxdani u shaqeyneyso.
• Tus xiiseyn iyo ku taxaluqid waxa idinku aad la kulanteen idinka oo wada
jira.
7. Si qoto dheer u fiiri oo u fasir marka aad wax la kulantaan adiga iyo
ilmahaagu idinka oo wada jira.
Si ilmuhu u horumariyo fahamkiisa dunida, waxa muhiim ah in qof uu ka siiyo
fasiraad u na sheego taariikhda sababta wax u dhacaan. Carruurta yar yar
agtooda wuxuu qofku horumarinkaraa ilmaha dareenkiisa iyo fahamkiisa isaga oo
u barbar dhigaya waxa il-bidhiqsigaas ay la kulmayaan, iyaga oo wada jira iyo
wax ilmuhu hore u la kulmay. ”Ma xusuusata markii aan booqanay ….? Markaas
oo aan xataa…“
Marka ilmuhu weynaado waxa loo sheegi karaa taariikh, wax na waa loo fasiri
karaa su’aal waa la weydiin karaa, la heli karaa isu ekaanta iyo kala duwanaanta
iwm.
Sidaa darteed, waxa aan ka gudbeynaa iyada oo aan dhaafayno wixii ilmuhu la
kulmayo markaas la joogo.
Waxaa oo dhan waxay muhiim u yihiin horumarinta maskaxda ilmaha.
• Sii fasiraad, ka sheekee iyada oo aad helaysid sababta wax u dhacaan.
• Hel isu ekaansho iyo kala duwanaansho iyadoo aad u fiirinaysid wax kale
oo aad la kulantay.

Talosiinta waalidka (In taan caruurta laguu tarbiyadeyn, Tarbiyadee waalid ubadkaaga)
10
• Hel is ku xidhaanta wixii hore u dhacay iyo waxa mustaqbalka dhici kara.
• Abuur, kana sheekee taariikhda waxa ku saabsan wixii aad la kulanteen
idinkoo wada jira.
• Calaamad u samee adiga oo isticmaalaya sawirro iyo sheeko-ka-dhigid
(sheeko ka sheekayn).
8. Ka caawi ilmahaaga sidii uu is ku xukumi lahaa si wanaagsan oo
xadaysan ama habaysan. Tusna waxayaabo wanaagsan oo uu kala
doorto. Qorshe wadajir ah na sameysta adiga iyo ilmuhu.
Carruurtu waxay u baahan yihiin in laga caawiyo sidii ay u tijaabin lahaayeen
xukunka naftooda iyo karaankooda wax qorsheynta. Taasi waxay badanaa ba
dhacdaa marka wada shaqeyn la la yeesho qofka daryeelaha ah. Kaas oo si
wanaagsan u hogaaminaya ilmaha, isaga oo aan la wareegin ilmaha fikraddiisa
iyo wuxu la yimid. Marka ilmuhu u dhaqmo sidii mid aan ujeeddo lahayn, xaasid
ah ama jebiyo xeerarka wadajirka caadiga ah, waxaa muhiim ah in qofka
daryeelaha ah uu soo dhexgalo oo uu si wanaagsan xuduud ugu sameeyo, una
fasiro sababta waxyaabaha qaarkood aan loo ogolaan karin. Intii aad mar kasta
la imaan lahayd diidmo oo aad odhan lahayd ”Maya”, waxa muhiim ah in ilmaha
lagu hoggaamiyo hab wanaagsan la na tuso waxa uu sharci u leeyahay inuu
sameeyo oo waliba aad ka la qayb gashid ilmaha middaas. Badanaa ba waa
waalidka xidhiidhkiisa dhow waxa ilmuhu raadinayo marka uu sida aan fiicneyn u
dhaqmayo.
• Hagaaji adiga oo habeynaya dhaqdhaqaaqa ilmaha. Tusaale ahaan ilmaha
waa in la baraa inuu hagaajiyo waxa uu ku ciyaaro marka uu yar yahey.
• Hogaami dhaqdhaqaaqa ilmaha adiga oo soo jeedinaya, tilmaamaya iyo
adiga oo magacaabaya ba waxa la sameyn karo.
• Ka caawi sidii loo qorsheyn lahaa tallaabo-tallaaboo. Ka kaalmee si ka
madax-bannaan baahida ilmuhu u qabo kaalmo. Gadaal uga joogso marka
ilmuhu hawsha ku filan yahay si uu u dareemo inuu is kiis hawsha uga soo
bixi karo.
• Ku dhiirigeli ilmaha adigoo siinaya hawl, taas oo loo baahan yahay in la
isticmaalo wixii u yaqaan oo karaankiis ah oo dhan. Ugu yeel si wanaagsan
xuduud cad waxa la ogol yahay. Is ku waafaqa adiga iyo ilmuhu waxa la
ogol yahay in la sameeyo iyo waxa aan la ogoleyn.

Talosiinta waalidka (In taan caruurta laguu tarbiyadeyn, Tarbiyadee waalid ubadkaaga)
11
• U fasir marka qof wax u diido ilmaha. Ka jeedi ilmaha marka uu wax qalad
ah sameynayo, adiga oo u tilmaamaya wax kale oo hawl ah oo uu sameyn
karo.
• Carruurta waa weyn ama dhallinyarada waa in la la galaa wada hadal,
tusaale marka ay ku haboon tahay.
Xad u sameynta carruurta.
Qaybtan waxa aan ku eegayaa sidee loo xakameyn karaa carruurta ama xad
loogu sameyn karaa? Oo aad gacanta ugu heysid si ilmuhu kaaga hoos bixin
adiga oo is ticmaalaya hab wanaagsan oo aan aheyn dilmo ama hanjabaad.
”Marka uu xanaaqu iga bato oo aan ku sigto in aan dillaaco.”
Waddankan Norway waa ka mamnuuc in carruurta la garaaco ama xoog lagu
muquuniyo. Maxaa markaa la sameeyaa, marka aan rajo-dhigno, cadhoono oo
aanaan arkin xal kale? Ma ka badbaadi karnaa in aan ku dhacno xaalad wareegta
oo xanuun badan?
Mar marka qaarkood waxa aan waalid ahaan la kulanaa wax ka baxsan
dulqaadkeena sida:
Marka uu ilmaheenna yari diido inuu seexdo oo aan waalid ahaana daalno
oo aan qarka u saaranahay in aan quusanno.
Marka uu ilmaheenna 3 jirka ahi wax walba diido oo wax maqli waayo.
Marka uu ilmaheenna 9 jirka ahi keeno wada hadal aan dhammaan oo
dulqaadka naga dhammeeya.
Marka ubadkeenna dhallinyarada ahi guriga u soo hoydaan xilli ka duwan
kii lagu ballamay.
Marka ilmuhu ama dhallinyaradu u dhaqmaan si ka duwan sida aan waalid
ahaan u aragno sida saxda ah ee ay tahay inay tarbiyadoodu noqoto.
Waalid badan ayaa dareema miciin la’aan marka ay xaaladahan oo kale la soo
gudboonaadaan, oo waxay si kedis ah ugu ficil tamaan si wareer leh (xanaaq leh)
iyo iyaga oo rajo dhiga. Mar marka qaarkood waxa dhacda in aan waalid ahaan u
daalno sababo aan ilmaha shuqul ku lahayn aawadood oo uu dulqaadkeennu
dhamaad joogo. Annaga ama inta nagu hareersan ba waxa aan dareennaa in aan
ku dhow nahay in aan qaraxno oo u adkeysan waynno waxyaabo yar yar oo
marka xaalado kale lagu jiro aan u aragno wax aan wax ka soo qaad lahayn.

Talosiinta waalidka (In taan caruurta laguu tarbiyadeyn, Tarbiyadee waalid ubadkaaga)
12
Mar marka qaarkood waxa dhacda in aan ilmaha u la dhaqanno si aan
wanaagsanayn oo ay ka mid yihiin; Maagid, gil-gilid, jugayn iyo dhirbaaxid (u
gacan-qaadid). Marka qofku rajo dhigo ma arko siyaabo kale oo uu ku ficil-celin
karo. Waxaana badanaa natiijadu noqotaa inuu qofku ka qoomameeyo ficilkii ka
dhacay oo ay sii korodho rajo dhigidiisii.
Arrintani ma tahay mid aad iska dhex garanayso? Haddii ay ”haa tahay”, keli
kuma tihid middan. Waalidiin badan ayaa dareema miciin la’aan markay
xaaladahan oo kale ay ku yimaadaan.
Dalbo in lagu caawiyo haddii aad dareemayso inuu kaantaroolku kaaga
lumayo/dhumayo si aan adiga iyo ilmahaaga ba u wanaagsanayn. Waxa aad
arrintan kala hadli kartaa kalkaaliyeyaasha caafimaadka ama qof kale oo aad ku
kalsoonaan karto si ay kaaga caawiyaan sidaad ku heli lahayd siyaabo kale oo
aad ku xallin karto xaaladaha adag ee kula soo gudboonaada. Arrintan xidhiidh
kala soo samee inta aanay dhibaatooyinku sii kordhin. Waxa habboon in laga hor
tago dhibaatooyinka inta aanay sii kordhin.
Waxa aad caawimo ka heli kartaa meelahan:
• Laamaha caafimaadka iyo adeegyada caafimaadka ee dugsiyada.
• Xannaanada carruurta.
• Adeegga daryeelka carruurta.
• Talo siiyaha dugsiga.
• Adeegga waxbaridda iyo cilmi-nafsiga.
• Talefoonka loogu talo galay inay soo wacaan dadka waa weyn iyo carruurta
walwalsan oo u furan dadweynaha maalmaha shaqada inta u dhaxaysa
09:00 ilaa 15:00. Taleefankiisina waa: 810 03 940 ama cinwaanka
boostada ee barta internett-ka ee
bekymring@vfb.no
Haddaba, ”inta aanad falin ka fiirso”, waxa aad xusuusnaataa in uu aad muhiim u
tahey mar kastaba dulqaadku. Hana illaabin in carruurta aanay u samaneyneyn
xumeyn adiga ay kugu xumeynayaan ee uu yahey ilmo koraya oo aan weli
korniinkii aanu u buuxsamin. Dhamaanteenna waxa la innagu soo koriyey
dulqaad iyo samir.
intu ka faa iidaysanayaa iney lakulmaan waalidiin kale oo ay
daan waayo aragnimo, oo ay kala faa iidaystaan arnaamijkani waxaa
Dhallinyarada dhaqankooda laga la tashado.
Dhallinyarada ka soojeedda ajaanibka gaar ahaan habluhu waxa ay la kulmaan
dhibaato marka ay soo gaadhaan da’da dhallinyaronimada, iyaga oo is kudaya
inay qaataan dhaqanka ay ku dhex nool yihiin, taasina waxay keentaa inay
dhibaato ka dhex dhacdo waalidka dhalay gabadha yar ee ku korey dhaqanka
Norwiijiga.

Talosiinta waalidka (In taan caruurta laguu tarbiyadeyn, Tarbiyadee waalid ubadkaaga)
13
Dhallinyaraduna waxay had iyo jeer is weydiiyaan: ”Horta anigu yaan ahey? Qof
caynkee ah ayaan ku dayan karaa? Yaan la saaxiibikaraa? Kooxdee ayaan ka mid
ahey?”
Waxay had iyo jeer ku wareraan dariiqa ay raacayaan, tusaale ahaan;
waxa ay inantu xidhanaysaa dharka ay xidhaan hablaha muslimiinta sida
xijaabka, ama waxa ay xidhanaysaa dharka ay xidhan yihiin dhallinyarada ay
dugsiga yihiin oo ka mid yihiin sida jiiniska (surwaal) ama dhar kale oo gabadha
aan astureyn jidhkeeda, ama gabadhu ay xidhato dhar ku haboon had ba
xaaladda ay ku jirto ama marba dharka ay doonto ay xidhato.
Tusaaale ahaan; haddii aan soo qaadano warbixin ka soo baxadey macadka
cilminafsiga ee Norway (winter 2001) jiilaalkii 2001 oo ku saabsanayd hablo
dhigta fasallada 7 iyo 8
, sida ay is ku xidhaan dhaqanka ama habka ay ugu
noolyihiin marka ay joogaan guriga iyo marka ay joogaan iskuulka ama ay la
joogaan asaxaabtooda ama sida ay u saameyso noloshooda caadiga ah.
Xagga hoose waxa aan ku xusayaa laba hablood sida ay ugu dhexnoolyihiin
labada dhaqan ee ay midna ka dhasheen waalidkood, midka kalena ay ku dhex
koreen, iyo fikradaha ay aaminsan yihiin. Waana laba hablood oo aad u edeb
badan kana dhex muuqda ardeyda ay la dhigtaan fasalka.
Fatima waxay ka timid waddanka Turkiga oo waa fasalka 7aad. Waxa ay la
nooshahay waalidkeed oo ah waalid muslim ah. Marka ay ka soo rawaxdo
dugsiga waxay tagtaa masaajidka. Waxa kale oo ay ciyaartaa kubadda cagta,
iyada oo ah gabadh muslimad ah. Waxayna dhibaato ka haysataa ciyaarista
kubbada cagta oo ah mid inta badan ay cayaaraan wiilashu.
Fatima waxay is ku dayeysaa in ay noqoto ama ka mid noqoto sida hablaha
badan koodu u lebbistaan ama kuwa asalkoodu yahey Norwiijiga yahay, taasina
uma suuro galin. Mararka qaardoodna waxa adkaata inay iman kari weydo
xilliyada ay kulmayaan hablaha ay la ciyaarto. Dhinaca kale waxa ay xidhiidh la
wadaagtaa hablaha muslimiinta.
Amina waxay ka timi waddanka Iraan oo iyana waa fasalka 7aad. Waxayna la
nooshahay waalidkeed iyo laba carruur ah oo ka yar, wayna la yaabantahay
habka dhaqanka ay ka dhaxashey waalidkeed uu nolasheeda u xadeeyey, waxa
loo ogol yahey iyo waxa ay qaban karto.
Amina waxay go’aan satey in ay hablaha ajaanibka ah ama muslimiinta ah in ay
raacdo oo ay saaxiib ka dhigato, wax dhibaato ah oo haysataa ma jirto.
Haddaba, haddii aan labada hablood si fiican u eegno dhaqankan ay ku
dhexnoolyihiin iyo dhaqankan ay ka dhaxleen waalidkood, iyada oo la eegayo
dharka ay xidhanayaan iyo sida ay u noolaanayaan.

Talosiinta waalidka (In taan caruurta laguu tarbiyadeyn, Tarbiyadee waalid ubadkaaga)
14
Tusaale; waxa jira dharka ama qofku sida uu lebbisto in ay tahay habka uu u
caddeeyo dhaqankiisa iyo sida uu u nool yahey, cidda uu raacayo ama cidda uu
la xidhiidho ama mesha uu qofku ka soo jeedo.
Waxaa intaa raacda in dhallinyarada habka ay u noolyihiin ay ku xidhan tahay
waxa uu yahay dhaqankoodu ama asal ahaan meesha ay ka soo jeedaan.
Waxaana taasi keeneysaa iney mustaqabalka dhallinyardu uu saameyso waxa
qaban ama ka shaqayn doonaan ama cidda ay guursan doonaan.
Waxa mihiim ah in dhallinyarada Norwiiyjigu ay ku dhex nool yihii dhaqan dadka
intiisa badani ay heystaan waana dhaqanka waddamada reer galbeedka.
Waxayna dhibaato kala kulmaan dhaqanka ama diinta dhallinyarada laga tirada
badan yahey. Aad ayay u adag tahay dhallinyaradu in ay qaataan dhaqanka ay
ku dhex koreen ama ka ay waalidiintood ka dhaxleen ama mid u dhaxeeya oo
lagu tilmaamo dhaqanka casriga, waana mid aanu waalidkood ka raali aheyn si
kastoo ay ahaataba.
Dhibaatadani waalidiinta laga tirada badan yahey u arkaan inay carruurtooda ay
haysato dhibaato ah labada dhaqan ee ay ku dhex korayaa
, marka ay timaado
sida ay u lebbisanayaan ama dharka u xidhanayaan ama xilliga ay guriga ku sooi
hoyanayaan, taasi oo ka hor imanaysa habka ay u noolyihiin bulshada inteeda
badani.
Haddaba, waxa mihiim ah in waalidiinta ama qofka ka masuulka ah la
fahamsiiyo dhibaatada haysata dhalliyarda ku koraya waddamada reer galbeedka
ama ba Norway.
Dhamaad