Oslomet.jpg1Lectures: Jamal Ahmed

10. Waxaa jira 10 qodob oo mihiim ah in laga  ogaado xanuunka Autisme

Waxaa la ogyahey wakhtigan hada aan joogno xanuunka Autisme caalamadaha lagu gartaa iney yihiin hadalka iyo is dhexgalka bulshada  oo ku adkaada ilmaha, Dhibaatada ka timaada xanuunkani waxaa ay keeneysaa inuu ilmuhu u baahdo caawimo si uu uga gudbo dhibaatada xanuunkani keeney oo uga qayb qaato noolasha caadiga ah ee maalinlaha ah. Qofka qaba xanuunkani had iyo jeer waxaa uulayimaadaa dabeecado adag oo  kaga duwanyahey qofka aan qabin xanuunkani.

Tusaale ilmaha qaba xanuunkani waxaa uu u baahanyahey marka uu iskuulka tagayo hal wado inuu maro maalinkasta, ama meelsha uu fadhiisanayo had iyo jeer waxay jecdel yihiin iney noqoto meel joog ta ah oo aan marba meel  la fadhiisin.

hadii laga badalo waxaa dhacda inuu xanaaqo oo cadhoodo ama uu dagaalamo.

  1. Waxaa aan ognahey iney ku adagtahey ilmaha qaba xanuunka Autisme, inuu bulshada sicaadi ah u dhexgalo, taa macnaheedu ma aha inaanu u baahney inuu yeesho saaxiibo uu nolasha la wadaago. Dhamaanteen waxaa waajib inagu ah inaan qaadano masuuliyada ilma qaba xanuunka Autisme oo lagu dadaalo inuu nolasha caadi ah ka qayb qaato, oo aan lafaquuqin ama lagu dhibaateynin xanuunkan ilaahey u keeney, mararka qaarkood waxaa dhacda inuu imhu aanu dooneynin waxa markaa la doonayo inuu sameeyo, taa machaeedu ma aha uma baahna, waa in la siiyaa fursad.
  2. Xanuunka Autisme laguma ogaan karo oo kaliya in ilmaha laga qaado dhiig ama loo sameeyo baadhitaan caafimaad, wakhtiga hada aynu joogno aqoonta loo leeyahey xanuunkani aad bay u yartahey, waxyaabaha laga ogaaday waxay ku saleysanyihiin baadhitaano ku saabsan dabeecada ilmaha ama sida uu u dhaqmo. Waxaa la helikaraa qalab loo adeegsado ama lagu baadho dabeecada ilmaha, maha qalabakani mid kuu wada sheegaya waxa keena xanuunkani Autisme. Sharaxaada xanuunkani ama qeexitaanka xanuunkani waxaa jira calaamado aan isku mid ahey oo tusaya inuu jiro xanuunkani inuu leeyahey heerar kala duwan oo u baahan in sibaabo kala duwan loo la tacaalo.

 

3.     Qofkasta oo qaba xanuunkani waxaa uu leeyahey dabeecado u gaar ah, Magaraneysaa qof qaba xanuunkani Autisme, hadii aad taqaano waabad qareysaan qofkaasi waxa uu yahey, waxaa uu sameey iyo dabeecadihiisaba.hadii  aad waydiiso dadka aqoonta gaarka ah uleh ama baadhitaanada dhaadheer ku sameeyey waxay ku sheegayaan ¨Wax aqoon gaar ah oo aan u leenahey majiro, laakin waaxaan la kulmay dadbadan oo qaba xanuunka Autisme’

  1. Qofka qaba xanuunka Autisme waxaa had iyo jeer waxaa uu la kulmaa dhibaatooyin dhinca nolasha ah oo aan la buuxin karin dhamaantood, waxaa kaliya oo lasamayn karaa dadka ku wareegsan ama meel kula nooli iney had iyo jeer ka fikiraan wax yaabaha uu dhibsanayo ama keeni kara isfahan la’aan.

 

  1. waxaa caadi ah oo dhacda qofka qabaa xanuunkani inuu la yimaado wax yaabo ay dadka kale ay dhibsadaan, taa macnaheedu ma aha in sixun loo soo koriyey ama aan akhlaaqad wanaagsan laheyn, waa dhibaatooyinka uu xanuunkani keeno. Habka ugu wanaagsan ee loo caawinkaro qofka qaba xanuunkani waa in labaro sidii oo bulshada ugu dhex noolaan lahaa.

 

  1. Dad badan oo qaba xanuunkani waxaa jira wax yaabo gaar ah oo jecelyihiin iyo waxaabo ay kaga fiicanyihiin dadka caadiga ama la odhankaro waxaa ay leeyihiin hibo u gaar ah, tusale ahaan sida wax loo sawiro, xasuusta, xisaabinta iyo muusiga oo laga yaabo iney hibo gaar ah u leeyihiin oo ay dadka caadiga kaga fiicanyihiin.

 

  1. dad badani waxay ku doodayaan inuu jiro talaal keeni kara inuu ilmuhu sababsado inuu ku dhaco xanuunkani,talaalkaasi oo lasiiyo caruurta marka ay yaryaryihiin,  laakiin looma hayo wax cadaynaya inuu talaalkani keeno xannukani waana war aan sal iyo raad laheyn.

 

  1. Cuntada la siiyo caruurta qabta xanuunka autisme waa mihiim iney helaan cunto isku dheeli tiran, cuntooyin ay sigaar ah u jecelyiin baa jirta, cuntooyinka qaar kamid ah ma cunaan, waxaa muhiin ah cuntooyinka nafaqada leh in labaro cunitaankooda, hadii kale waxaa ku dhacaya nafaqo daro. Hadii uu jiro war war ama shaki cuntada ku saabsan waxaa haboon in lala xiriiro goob caafimaad ama dhakhta.

 

  1. Sida caadiga ah siyaabo kala duwan ayuu xanuukani caruurta ugu dhacaa, qaar ka mid ahi marka ay waynaa daan waa fiicnaadaan oo fahankooda masgaxdu wuu isbadalaa, waxaana suurta gasha inuu dhibaatada xanuunkani lee yahey uu ka boqsado oo uu noqdo qof lamid ah dadka caadiga ee caafimaadkoodu dhamays tiranyahey. Waaxaa kale oo suuragal ah inuu wanaagsanaado marka uu waynaado, laakiin laga dareemo inuu xanuunkani uu samay ku leeyahey.

 

  1. Qofka qaba xanuunkani way adagtahey inuu si toos ah kuula sheekaysto, waa mihiin  iney waalidka iyo dadka kaleba fahmaan, waalidiin badan waxay sheegeen iney si wanaagsan ula sheekaystaan marka ilmahoogu gaadhigooda ku dhexjiro ee ay isgarab fadhiyaan.waxaa caadi ah in lala hadlikaro, wax loo sheegi karo ama lala sheekaysan karo yadoon ilmuhu ku soo eegeyn, hadii ilmu aanu ku soo eegeynin oo uumeelkale ee gayo, macanaheedu ma aha kuma arkaayo ama kuma maqlaayo, waaligaa ha isku dayin inaad ku qasabto inuu ku soo eego.

https://blogg.forskning.no/en-spesialpedagogisk-blogg/10-ting-som-er-verdt-a-vite-om-autisme/1092374

Jamal3g@hotmail.com

http://www.ateerka.com