Talo ku socota Soomaalida dagan Norway

Talooyinka dadka socod-lugeed sameeya xilligan kooronada
Weli waa la ogolyahay, dadkana waa lagu dhiirigelinayaa inay socod lug ah sameeyaan. Waxaad socod
ku samayn kartaa banaanka ku yaala dhabarka dhismaha aad degantahay, beerta dadweynaha ee kuu
dhow, duurka, buurta ama biyaha barbarkooda. In socod lagu soo maro dibeddu waxay u wacantahay
jidhka iyo madaxaba, waxaanay qayb ka noqon kartaa yaraynta istereska. Si loo yareeyo faafinta
fayrusta koroonada waxa muhiim ah in aynu taxadar samayno bixitaanka hortii.
Hay’adaha Agaasinka Bey’adda iyo Cimilada, Caafimaadka iyo ururada isticmaalka dabeecadda
ayaa isutegay si ay kuu siyaan talooyin wadajir ah oo ku saabsan sidii loo samayn lahaa socod
lugeeg wacan oo amaan ah.

Talooyinka dadka socod-lugeed sameeya xilligan kooronada
1. Lugee meelaha kuu dhow! Ka feker meelo cusub oo aad lugayn kartid oo aan dadka kale
socon. Iska dhaaf isticmaalka gaadiidka dadweynaha ka dhexeeya haddii aad ka maarmi
karto, isticmaal baaskiil ama lugee.
2. Qasab maaha inaad keligaa socotid – socod la samee qoyskaaga ama axsaabtada, laakiin
kooxdiinu yaanay ka badan 5 qof.
3. Qaado cunto iyo cabitaan, oo ku nafis socodka. Xasuuso inaad gacmaha dhaqdid
marka hore ama isticmaashid isbiirtada gacmaha.
4. Ilaali dabeecadda/bey’adda, waa wax aynu u baahannahay. Ixtiraam xayawaanka iyo
dhirta iyo caleemaha, waxa aad tuuraysid (qashin) u qaado guriga.
5. Ka feejignow halista dabka ee iman karta! Meel badan oo ka mid ah waddanku waa qalayl
waxaana ka madnuuc ah in dab lagu shito.
6. Isticmaal qariirad iyo diirad hagitaan marka aad aad soconayso wadiiqooyin ama jidad
aan la calaamadin. Waxa iyana jira barmaamijyo moobayl (app) iyo baro internet oo kaa
caawin kara jidka.
7. Goor hore dib u soo laabo, oo dooro hawlo aan lahayn halis badan.Qaabkaas waxaynu
ku yarayn karnaa culayska ku imanaya adeegyada gargaarka iyo caafimaadka.
8. Qosol! Ka durug dadka kale, laakiin waad salaami kartaa oo u qosli kartaa markaykaa hor
yimaadaan.
9. La soco waxyaalaha cusub ee ku soo biira talooyinka iyo xeerarka ka yimaada hay’adaha
caafimaadka ee dawlada.
Dibedda u bax, oo ku nafis dabeecadda! Socod wacan iyo iistar wacan (påske)!
Macluumaad kale oo ku saabsan isticmaalka dabeecadda iyo caafimaadka ka akhriso halkan iyadoo
ku qoran luuqado badan:

Friluftsliv og helse – materiell


Halkan waxaad ka helaysaa talooyin iyo fikrado ku saabsan socodka:
https://norskfriluftsliv.no/kategori/tema/tips-og-inspirasjon/
Macluumaad la turjumay oo ku saabsan COVID-19, ka eeg:
https://www.fhi.no/nettpub/coronavirus/fakta/generell-informasjon-koronavirus-pa-flere-sprak/
https://www.fhi.no/nettpub/coronavirus/rad-til-personer-som-er-smittet-eller-har-vart-utsatt-forsmitte/informasjon-om-hjemmekarantene-og-isolasjon-pa-ulike-sprak/
https://www.fhi.no/nettpub/coronavirus/fakta/brosjyre-om-litt-mye-eller-helt-avstand-pa-ulike- sprak/
https://helsenorge.no/koronavirus/informasjon-pa-andre-sprak