Sidee buu macalinku u dhiirin galinkaraa ardeydiisa?

Sidee baad u dhiirigalinkartaa Ardeydaada?

Daraasado badan oo la sameeyey waxaa ay  iftiimiyeen ardeyda marka la dhiirigaliyo, iney  ay  fududahey iney sifiican wax u bartaan.

Sidee buu macalinku u dhiirin galinkaraa ardeyda? 

Hoos waxaa ku qoran 20 qodob oo fududeynaya inuu macalinku raaco si uu u dhiirigaliyo ardeyda uu wax barayo.

How-to-Motivate-Your-Students-What-Every-Teacher-Should-Know-but-Doesnt

  1. Magacyada ardeyda aad wax u dhigayso oo aad taqaanaa waa muhiin, Ardey kastaba had iyo jeer ugu yeedh magaciisa.
  1. Qorshe gaar ah u samee fasalka kasta oo aad cashar siineysid.
  2. Ardey walba si gaar ah u lasoco, oo dareen dheeraad ah sii, waxa uu kufiicanyahay iyo waxa uu ku liito.
  1. Hadii ay suurogaltahey, ardeydu ha u fadhiistaan galaaska dhexdiisa, si wareeg ah, ama sirkel ah.
  2. Nidaamka aad wax ugu dhigeyso ha ka koobnaado, sharaxaad, wada hadal, wadashayn ardeyda dhexdooda oo ah mid la wada shaqaynayo.
  3. Hubi cashar aad dhigeyso waxaa uu ku saabsanyahey, hubi casharka aad u dhigayso iney ardeydu fahmeen.
  4. Mar aad casharka dhigeysid meel kaliya ha istaagin ee dhaqdhaqaaq samee galaaska dhexdiisa.
  5. Hubi goobta waxbarashadu iney tahey mid ku haboon casharka aad bixinayso iyo Ardeydaba.
  6. Had iyo jeer waa inaad faraxsanaato ama aad dhoolo cadayso
  7. Hadalkaagu ha ahaado mid kaftan kujiro iyo firfircooni ama faraxsanaan
  8. Tusaalayaal badan sii ardeyda oo ku saabsan casharka aad udhigeyso.
  9. Ku dhiirigali ardeydu iney ku la wadaagaan fikirkooda, faaleyntooda, xitaa hadii ay qaldanyihiin, waligaa ma fahmaysid ardeygu inuu fahmay iyo inkale ilaa aad waydiiso su’aalo.
  10. Inaad ardeyda fiiriso wajigooga oo aad xidhiidh dareen iyo mid aragba aad la sameyso aad bay muhim u tahay, waa inaad tustaa ardeydu iney ku dhageysanayaan adiguna aad dhageysanaysid
  11. Inaad ardeyda fiiriso wajigooga oo aad xidhiidh dareen iyo mid aragba aad la sameyso aad bay mu him u tahay, waa inaad tustaa ardeydu iney ku dhageysanayaan adiguna aad dhageysanasid
  1. Fursad sii ardeyda inta aanu bilaabmin casharku, nusasaacaha iyo marka uu casharku dhamaado, waa mihiim xidhiidhka ardeydaadu.
  1. U dulmar casharka si ay u xasuustaan, imtixaanka sida ugu dhaqso badan uga qaad ee suurogal ah, jawaab nidaamsan sii ardeyda kadib marka aad ka qaado imtixaanka, wixii sax noqdey iyo waxaa loo baahanyahey in kor loo qaado.
  2. Si caadaalad ah ugu xaqsoor ardeyda.
  3. Aad u hubi imtixaanka aad qaadeysaa inuu yahay mid sax ah.
  4. Imtixaanka aad qaadeysaa ha noqdo mid kooban oo wakhtigiisuna kooban yahay.
  5. Ardeydu waa iney kaqayb qaadataan habka aad casharka aad u dhigeyso, waydii si ay u arkaan qaabka aad casharada ugu dhigeysid

Lectures: Jamal Ahmed

Jamal3g@hotmail.com

https://www.onlinecollegecourses.com/2012/12/10/how-to-motivate-your-students-what-every-teacher-should-know-but-doesnt/