Wixii arrin kaa daboolan, Iimaanka ku baadi-doona, Afeefna ka yeesha xaajo,Ilaashada baylahdiinna.“Wanaaga iyo xumuhu ma laba la isku dooriyaa”

Wixii arrin kaa daboolan, Iimaanka ku baadi-doona, Afeefna ka yeesha xaajo,Ilaashada baylahdiinna.“Wanaaga iyo xumuhu ma laba la isku dooriyaa”

Wixii arrin kaa daboolan, Iimaanka ku baadi-doona, Afeefna ka yeesha xaajo,Ilaashada baylahdiinna.
“Wanaaga iyo xumuhu ma laba la isku dooriyaa”

Waxaynu isu raacnay in rajadda wanaagsan ee quluubteenu rabto si qarsoodi ah ugu kaydino gudaheena oo kaliya .
Bulshadeenu waa qoysas leh hooyo iyo aabo sidoo kale leh rag iyo dumar , caruur iyo ciroole waxaa qaabeeya oo ka dhiga kooxo kooxo kala duwan da’da, danta , fikirka,Aqoonta, kooxahaasi mid waliba waxay leedahay dareeno u gaar ah oo xiiso galiya jiritaankooda. Dareenadaasi waxay kasoo unkamaan guriga uu ku koray iyo wacyiga deegaanka ku xeeran iyo dadka la noolba.
Taariikhdeena hadii dib ujaleecno waxaynu ahayn dad is jecel is caawiya oo isu xidhan inkastoo colaadaha qabiilku waligii soo taagnaa .
Waxaynu nahay dad waayihii nolosha ee lahaa farxada,cadhada,colaada iyo nabada uu la fogaaday kuna abuuray tartan arxan daran oo leh xaasidnimo iyo xintan, waxaynu xamaasad galinay kala duwanaanshiyaheenii ilaahay inoo abuuray oo aynu xaalad kasta oo timaada ku buuxino cuduro hoose oo aan xaqiiqda ka turjumayn balse huwan nacayb cilmi nafsi kasoo bilaabmay burburkii, qaxii iyo dagaaladii sokeeye ee dalka dhacay.
Bulshada hogaankeedii iyo shicibkeeduba waxay isu qabaan in cadaw isku yihiin kooxahay doonaan haka tirsanaadaane,iyadoo isugu yeedhaan reero waxaynu isu difaacaan gar iyo gardaro isku dhawaanshaha inta ay kala ab sheegtaan waxaa ku fogaaday loolanka nolosha ee dheelitira hiigsiga yoolka shakhsi walba u gaarka ah oo gaadhay heer jaahilnimo oo xalkiina fogeeyay.
Isbedelka darajooyinka nolosha la socda ee keena in maanta aad adigu sarayso ama hogaanka hayso barina qayrkaa hayo oo ku haboonayd in qofwaliba doorkiisa ka faaideeyo inta uu joogana abuuro kalgacayl iyo ixtiraam bari loogu joogsado ayaa wuxuu shaydaanku galiyaa kibir iyo isla wayni uu u arko inuu dadka ka sareeyo ilaa uu gaadho heer uu inta hoos joogta gumaysto ama ha ahaado hogaan siyaasadeed , maamule ganacsi iyo maal qabeenba .
Habdhaqanka noocan ahi wuxuu maanta ka jiraa inaga dhexdeena, aan kusoo dhawaado dulucda qoraalkayga
Waxaa maanta inagoo xor ah inagu waynaaday siyaasadii wadankan lagu hagi lahaa hadii ay xumaato iyo hadii ay wanaagsan tahayba inaynu ukala qaybsanaano may ahayn oo horumarka iyo dib udhaca cida kala dooranaysaa talow maxay rabaan waxaynu garan waynay dantii uu siyaasigu lahaa in aanay danteena ahayn bal amarkani yaabkan ilaahayna wuxuu yidhi “naf waliba waxay galabsato ayay heli doontaa”
Ilma yar ayaa wuxuu aabihii arkay isagoo sawiraya gurigii uu mustaqbalka gali lahaa quri qurux badan wuxuu sawirkii dibada uga saaray qol yar aabihii ayaa weydiiyay qolkaasi maxaad ugu talo gashay wuxuu wiilkii ku jawaabay adiga aabo, aabihii oo yaaban ayaa ku yiri waayo wiilkii wuxuu yiri sawdiga awoowo qolka dibada ku xaraysay , maalintii wixii ka danbeeyay ayuu aabihii gudaha kusoo xareeyay wiilkiina wuxuu gurigii uu mustaqbalka uu dhisan lahaa dumiyay qolkii dibada uu u saaray .
Waxaa aniga ii qarsoon ee adigana kugu wayni waa dareen qarsoodi ah marka aynu nafaheena isla kaliyaysano waxaa ina horyimaada sawir isu mid waa meelaha aynu ka simanahaye sawirkaasi wuxuu igu beeraa warwar waxaan isweydiiyaa halkee salaadu ka xidhmi laadahay? dawgani ma saxbaa? dulmigani ma banaanyahay? , maxaa la ii cumaamaday?,maxaa maalka la iigu dhiibay,caafimaadkana la iigu dhamaystiray,faqri la ii hor dhigay, warwarkaasi wuu ina mideeyaa waana cibro lagu waayo qaato .
Waxaa mesha ka baxday in aynu nafta tarbiyadayno oo qiyamka qofnimo u dhisno habdhaqan xakameeya oo u diida inay dhaafto seeraha adoonimo ee ilaahay inoo abuurtay
Waa in lagu waayo qaato noloshan maalinba qolo meesha ka saaraysa Ilaahay wuxuu yiri “watilkal ayaamu nidaawiluhaa bayna naasi”.
Hala isu tudho noloshana halagu dhiso habdhaqan tayo leh oo ah tii nabigeeno CSW inooga tagay ee simaysay kii madaxda ahaa iyo ka miskiinka ahba
Bal aan kaga baxo maansadii hadraawi ee Daahyalay erayo ka mid ah
Duco iyo sidii roon
Dawgaagu waa sahan
Dadku waa abbaartaa
Isku dira bahdeediyo
Kala dila ha noqonnine
Isku dara ha lagu dhaho
Nin xumaa daneeyoo
Waxa jira damqanayee
Yaanu xagal ka daac iyo
Gol daloolo kaa helin
Xidho duubka nabadeed
Daacaddiyo runtaba sheeg .
W/Qoray :Ahmedyasin sh Omar Sh Ahmed furre
Refrence erayada Cinwaanka waxaa iska leh hadraawi

Somaliland: Investigators discover 17 bodies from old mass graves

Somaliland: Investigators discover 17 bodies from old mass graves

(Ateernews)A team of forensic investigators scrape away soil covering a mass grave in the town of Berbera, Somaliland using metal hand tools.
Team said nearly two meters below the area are the bodies of 17 men who are believed to have been rounded up, shot and dumped nearly 30 years ago.

The men who were allegedly killed by troops are from the Isaaq clan, loyal to Somali dictator Siad barre, who were battling rebels from Somaliland at the time.

The campaign killed about 50,000 people, mostly from the Isaaq clan. According to the commission, this was a genocide, although the use of the term is disputed.

It has been more than 25 years after the civil war ended and Somaliland has declared its independence from Somalia, and researchers have continued to search for mas graves around the country.

For the past five years, Somaliland’s War Crimes Investigation Commission has teamed up with a group of international forensic investigators to exhume the bodies.

They hope to gather enough evidence to bring the alleged perpetrators of war crimes to justice.

Commission chair, Khadar Ahmed Like said the exhumation process is a matter of dignity for the dead, who often were dumped in pits without ceremony.

“Every person has the right to be buried in his religious method. So we are just taking out these bodies and we are burying them separately after cleaning and praying on them,” he said.

After days of digging with shovels and axes, the investigators discovered bodies. A skull wrapped in cloth pokes out of the dirt.

According to Like, in the past few years, the commission has exhumed 11 mass graves, including the one opened this year in Berbera alone.

source 

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Oo Bookhasho Heer Sare Ah Ku Jooga Dalka Itoobiya

Ismael

 
President of Djibouti Ismail Omar Guelleh

Addis Ababa,(Ateernews) —Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa bookhasho heer sare ah ku jooga dalka Itoobiya, taasi oo lagu macneeyay waa cusub oo loo furayo xidhiidhka horeba u fiicna ee Itoobiya iyo Jabuuti u dhexeeyay. Mudane Ismaaciil oo galinkii dambe ee Khamiista gaadhay Addis waxa madaarka ku soo dhaweeyay Ra’isal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Dessalegn, wasiirka arrimaha dibada Dr. Workneh Gebeyehu iyo daraasiin saraakiisha sarsare ee dawladda Itoobiya ah, isagoo salaan ka qaatay ciidamad Militariga, sidoo kalena lagu soo dhaweeyay heeso dhaqameed.

Madaxweynaha Jabuuti waxa wehelinayay Wasiirkiisa arrimaha dibada Maxamuud Cali Yuusuf, wasiirka dhaqaalaha iyo maaliyadda Iliyaas Muuse Dawaale, Wasiirka arrimaha gudaha Xasan Cumar Maxamed iyo wasiirka garsoorka mudane Axmed Muumin Sheekh, waxaanu khudbad u jeediyay baarlamaanka Itoobiya, taas oo uu kaga hadlay xidhiidhka wanaagsan iyo qorsheyaasha horumarinta ee Itoobiya ka dhexeeya.

Sidoo kale Jimcihii ayay kulan gaar ah wada qaateen Ra’isal wasaare Hailemariam iyo Madaxweyne Geelle, waxaanay wada saxeexdeen heshiisyo iskaashi oo ay ka mid yihiin iskaashiga isu celinta dadka dambiyada gala, iskaashiga shuruucda dambiyada, tababarro ku saabsan dhinaca sharciga iyo iskaashiga ganacsiga.

President of Djibouti Ismail Omar Guelleh, left, and Ethiopian Prime Minister Hailemariam Desalegn, right, hold a press conference after their meeting at the National Palace, in Addis Ababa in Ethiopia on March 17. Photographer: Minasse Wondimu Hailu/Anadolu Agency/Getty Images

Ra’isal wasaaraha Itoobiya ayaa Madaxweyne Geelle uga mahadceliyay aqbalaada marti qaadka uu u fidiyay“Labada dal waxay leeyihiin xidhiidh dabeecad ahaan iyo taariikh ahaanba aan la kala saari Karin, Dadka Itoobiya iyo Jabuuti waxay si guud u wadaagaan Juquraafi ahaan, taariikh ahaan, luuqadaha, dhaqanka, hab nololeedka iyo qiyamka bulshada,” ayuu yidhi isagoo intaasi raaciyay in sidoo kale la balaadhiyay iskaashiga dhaqaalaha, ammaanka, siyaasadda, isdhexgalka bulshada, isu socodka,islamarkaana ay abuurayaan xidhiidh ku dayasho mudan.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isna ammaanay xidhiidhka dalkiisu la leeyahay Itoobiya, waxaanu sheegay in uu ku faraxsan yahay dadaalka Itoobiya ku doonayso kor u qaadista xidhiidhkooda “Waxaanu ku faraxsanahay xidhiidhkan cajiibka ah ee iskaashi ee aanu la leenahay walaalahayaga Itoobiya,” ayaa hadalkiisa ka mid ahaa Ismaaciil Cumar Geelle.

Ismaaciil Cumar Geelle ayay bookhashadiisa saddexda cisho ah ku astaysnayd khudbada Baarlamaanka, kulanka Ra’isal wasaaraha iyo bookhashada Warshado wax soo saar iyo mashaariic horumarineed oo dawladda Itoobiya Hirgelisay hase ahaatee lama oga waxa xilligan ku soo beegay bookhashadan dhoollatuska u muuqata ee labada dal. Arrintan ayaa imanaysa iyadoo Soomaaliya uu qabsaday Madaxweyne la rumaysan yahay in aanu fiicnayn xidhiidhkiisa Itoobiya taa bedelkeedana uu dhinaca Kenya u jajaban yahay.

Ateer News Desk —Hargeysa

Ahyasen216@gmail.com